Berisamaad TV

Berisamaad TV History and Political Manner

19/02/2024

6 cisho ka hor, Zayid Omar Abdulahi oo ah Maareeyaha Haayadda Duulista Hawada Somaliland. Oo u Hanjabaya Eng Abdinasir Muse Dahable Iyo Maamulihiisa.

Maxaa kuu baxay.

Dilka Eng Dahable Somaliland Fartaa Ku Godan!!!?Sababaha ka fogaynaya DFS Dilka Eng Dahable. 1. Dagaalka hawada ee ka dh...
19/02/2024

Dilka Eng Dahable

Somaliland Fartaa Ku Godan!!!?

Sababaha ka fogaynaya DFS Dilka Eng Dahable.

1. Dagaalka hawada ee ka dhexeeyay DFS iyo Somaliland iyo Dahable oo ahaa Sarkaal sare oo ka shaqaynayay Duulimaadyada rayidka ah ee JFS way adag tahay in dawladii uu u shaqaynaayay disho oo naanaysta Amni xumo iyadu xambaarato maadaama meesha uu ku dhintay tahay muqdisho.

2. Dawladdu ma goynayso qayb jirkeeda kamida oo sarkaal muhiim u ah shaqada maalinlaha ah ee duulimaadyada rayidka ah ma jirto sabab ku kalifaysa inay disho.

3. Ma jirin dambi qaran ama khiyaano lagu tuhmay intii uu shaqada qaranka hayay Eng Dahable.

Tuhunka Somaliland ku gadaaman

1. Isdiidooyinka iyo dagaalka hawada kala dhexeeyay DFS waxaa maamulka Somaliland istusi karaa inuu khaarajiyo saraakiishii Ka shaqaynaysay hay'adda duulimaadyada Raydika ah ee kasoo wareegay magaalada hargaysa si khalkhal u galo maamulka hawada soomaaliya.

2. Inay u isticmaasho kicin iyo quus goyn dadka kasoo jeeda maamulkaas ee masuuliyiinta iyo shaqalaha ka ah haayadaha DFS.

3. In dhaliil iyo borobogaando lagu furo DFS laguna eedeeyo dilka sarkaalka.

4. In khilaafyada gudaha maamulka somaliland ka jira iyo waji gabaxa maamulkii hawada kaga dhacay lagu yareeyo dilka sarkaalkaas oo ra'yul caamka lagu jeediyo kiiska Eng Dahable.

Dhamaan Shantaas sababood waa kuwo farta ku godaya maamulka Somaliland inay ka danbayso khaarajinta Eng Dahable.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO WASIIR KU-XIGEENKA CAAFIMAADKA XFS OO LA KULMAY HOGAAMIYAHA AWDAL STATE.Muqdisho, Feberaayo...
13/02/2024

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO WASIIR KU-XIGEENKA CAAFIMAADKA XFS OO LA KULMAY HOGAAMIYAHA AWDAL STATE.

Muqdisho, Feberaayo 12, 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr Maxamed Xasan Maxamed ayaa maanta la kulmay hogaamiyaha maamulka Awdal State Professor Cabdisamad Ibraahim Nageeye oo dhawaan soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Wasiir ku-xigeenka caafimaadka XFS oo ugu horeyn uga mahadceliyey hogaamiyaha Awdal State booqashadiisa caasimadda, ayaa intaas kadib ka xog-wareystay arrimo ku saabsan halgan ay isaga iyo dadkiisu ku difaacayaan qadiyadda Badda iyo sida ay uga dhiidhiyeen damaca guracan ee Ethiopia.

Hogaamiyaha Awdal State iyo mas'uuliyiintan heer Federaal ayaa sidoo kale ka wada hadlay dardargelinta nidaam u sameynta deegaanada maamulka cusub ee Awdal State iyo sidii ay DFS uga garab siin laheyd waxkasta oo sii xoojinaya midnimada ay u istaageen dadkaasi xili Dalka lagu soo duulay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amaantay madaxda iyo shacabka reer Awdal State sida ay iskaga diideen in dhaxalka caruurtooda loogu wareejiyo Ethiopia islamarkaana ay uga hor yimaadeen heshiis beeneedkii uu Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi la galay Ra'iisulwasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Hogaamiyaha Awdal State Professor Nageeye oo dhawaan xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay Muqdisho ayaa sidoo kale la kulmayey maalmahaan Xildhibaanada, Wasiiradda, iyo bulshadda kasoo jeeda Awdal State ee ku sugan magaalada Muqdisho, isagoo kala hadlay sidii ay ugu wada istaagi lahaayeen dhismaha maamulkooda iyo difaaca baddooda.

Ugu danbeyntii Hogaamiyaha maamulka Awdal State Professor Cabdisamad Ibraahim Nageeye ayaa la filayaa inta uu Muqdisho ku sugan yahay in uu la kulmo madaxda ugu sareysa Qaranka, isagoo kala hadli doona sidii ay u aqoonsan lahayd DFS Maamulkiisa cusub baadama ay xiligani muhiim tahay in deegaankaasi iyo dadka kasoo jeedaba lagu garab istaago halganka ay ku diidan yihiin damaca Ethiopia ee badda iyo dhulka Soomaaliyeed.

DHAMAAD.

BAARLAMAANKA LABADIISA AQAL OO MAANTA KA HADALAY MABAADI'DA GUUD EE DIB U EEGISTA DASTUURKA KMG AH EE DALKA Muqdisho, Fe...
12/02/2024

BAARLAMAANKA LABADIISA AQAL OO MAANTA KA HADALAY MABAADI'DA GUUD EE DIB U EEGISTA DASTUURKA KMG AH EE DALKA

Muqdisho, Febraayo 12, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaan shir guddoomiyay kulanka 11-aad ee labada gole BJFS, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kalfadhiga afaraad kulanka 11-aad ee labada aqal ayaa maanta ajandihiisu ahaa dib u eegista dastuurka:
(B) Qeybinta nuqulka soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka iyo warbxinta la socodka guddiga.

(T) Qeybinta shintiriska jadwalka dooda.

(J) Warbixinta guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada labada aqalka ee BJFS oo ka dooday mabaadi'da guud ee cutubyadda dastuurka ayaa soo jeediyeen in la ilaaliyo waqtiga rasmiga ah ee loogu talagalay jadwalka dooda, waxaa ayna Xildhibaannadu tilmaameen in lala tashado bulshada qeybaheeda kala duwan, lana dhageysto aragtiyada wax galka ah ee ay soo gudbinayaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta kulanka uu yahay mabaadi'da guud Xildhibaannada ay talooyinkooda muhiim tahay, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in dooda dastuurka ay bilaabaneyso kulanka xiga ee wadajirka ah.

DHAMMAAD

Somaliland ayaa Emirate ka Carabta ka tacsiyaysay weerarkii shalay ka dhacay xerada Gordan ee magaalada Muqdisho kaas oo...
12/02/2024

Somaliland ayaa Emirate ka Carabta ka tacsiyaysay weerarkii shalay ka dhacay xerada Gordan ee magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen saraakiil u waddankaas u dhashay oo
halkaas u joogay tababar ciidan.

Qoraal lagu daabacay bogga X ee wasaaradda arrimaha dibada ayaa lagu sheegay in ay dawladda Somaliland iyo shacabkeeduba Emirate ka tacsiyadanayaan falkaas lagu laayey saraakiishoodii ku sugnaa Soomaaliya.

Golaha Wasiirada MD Siciid Cabdullahi Deni iyo Raga Foolaadka ah ee la filayo inay kasoo muuqdaan.Waxay isugu jiran Wasi...
10/02/2024

Golaha Wasiirada MD Siciid Cabdullahi Deni iyo Raga Foolaadka ah ee la filayo inay kasoo muuqdaan.

Waxay isugu jiran Wasiiro, Kuxigeeno iyo Wasiir-Dawleyaal.

1. Liban axmed shire (Karkaar/bari)
2. Caydaruus axmed oday (Sanaag/haylaan)
3. Cabdi jamaal cisman (Sanag iyo haylan)
4. Cabdulahi john (Sanaag iyo Haylaan)
5. Maxamed Cabdiraxman Farole(Nugaal)
6. Ahmed siciid Midigale (Sanaag iyo haylaan)
7. Fuaad ahmed adeer(Mudug)
8. Eng Ahmed farax xaaji siciid (Bari)
9. Dr Maxamed Cali Farax (Nugaal)
10. Cabdiraxman Shiikh Habarwaa(Bari)
11. Cabdiraxmaan Jinac (Bari)
12. Amb Cabdiraxman caydiid (Sool/Cayn)
13. Ahmed Mohamed Ciise Guntixamash(Sanag/Haylan)
14. Axmed siciid aw-nuur (Nugaal)
15. Cabdirisaq Shòole (Mudug)

F-G liiskan maaha saxdii (accurate) ee wax baa iska bedeli kara..

Shaalihii Tayada & Aqoonta Xirfadeed lahaa Bari-samaadkii Ee Warbaahintii Soomaaliya gaar ahaan Wasaaraddii Warfaafinta ...
05/02/2024

Shaalihii Tayada & Aqoonta Xirfadeed lahaa
Bari-samaadkii Ee Warbaahintii Soomaaliya gaar ahaan Wasaaraddii Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Radio Muqdisho iyo Wakaaladdii Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA.
Taariikhdu waa hilaadii 1984 tii.

Maxaan Ka Baran Karnaa AbhinandanVikram Abhinanadan Varathaman Waa duuliye sare oo ka kamida ciidanka dal waynaha India ...
14/09/2023

Maxaan Ka Baran Karnaa Abhinandan

Vikram Abhinanadan Varathaman

Waa duuliye sare oo ka kamida ciidanka dal waynaha India khaasatan Ciidanka Cirka ee loo Yaqaan IAF wuxu kasoo jeeda gobolka TAMIL NADU ee dhaca koonfurta india, magalada Chennai Ex Madras ee xarun goboledka ah ayuu ku dhashay, waa duuliye leh Khibrad 16 sano Duuliye ciidan ah.

Abhinandan wuxuu duulinayay diyaarad MIG 21 ah taariikhdu markay ahayd 25 kii bisha 2aad ee sanadkan 2019 ka isagoo kusocday yool iyo waajibaad qaran oo ahaa inuu duqeeyo goobo cayyiman oo ka tirsan dalka ay cadaawada ba’ani kala dhaxayso dalkiisa Ee Pakistan, Sababtuna ay ahayd tuhuno la xiriiray Qaraxii ka dhacay Degmada PALWAMA ee ka tirsan KASHMIR ADMINISTRATION INDIA qaraxaasi oo lagu laayay 42 ka mida Askarta India. Tuhunka qaraxaasi wuxu lugaha lagalay dalka pakistan. Inida na waxay ku eedaysay qaraxasi inay fuliyeen xubno ka tirsan jabhadda Mahamedia Ee dagaalka kula jirta ciidamada India ee Kashmir ku sugan.

Mr Abhinandan VARTHAMAN Intii uu ku guda jiray duulimaadka waxaa diyaaradii uu duulinayay ku burburtay gudaha Pakistan khaasatan Kashmir qaybta Pakistan mamusho sidaa darteed Abhinandan wuxu ka goostay Barashootkii badbaadada wuxuuna isagoo bad qaba kusoo dagay meel kayn ah oo aan ka fogayn saldhig ciidamada Pakistan ku leeyihiin goobtaasi.

Dabadeed na Abhinandan wuxuu galay Gacan cadaw aan laga sugayn bixin iyo badbaadin isagoo dhiig baxaya oo la garaacayo ayuu kasoo muuqday muuqbaahiyaha khasatan Social Media ha. Intaa ka dib waxaa lala yeeshay waraysi su’aalo muuqaal laga duubayay isagoo koob ama bakeeri uu qaxwe ku cabayay gacanta ku sita daganaan na ay ka muuqato jawaabihii uu bixinayay waxa uu ka cudur daaraty su’aalaha qaarkood oo taabanayay qaranimada dalkiisa hooyo ee India. Waana diiday inuu wax sir ciidan ah bixiyo su’aalo badanna waxa uu kaga jawabay ‘’Sorry Sir, I am not supposed to tell you this” Waa ka xumahay mudane kuuma sheegi karo taasi ama su’aasha, Waxay u badnaayeen su alaaha la waydiinayay kuwo bixin kara siro ciidan oo halis ku ah dalkiisa hooyo ee INDIA Waxaa ka mid ahaa inuu faahfaahin ka bixiyo hawlgakuu u socday (Operation Details), sida Meesha Bar Tilmaameedkiisu ahaa, Awaamiirta cidda siisay, iyo Tirada diyaaradaha hawl galka ku wehelinaayay, Commander Abhinandan Varthaman isagoo ka tibaax qaadanaya awaamiirtii lasoo siiyay iyo tababaradiisii ciidan ogsoonna danbi qaran inuu mutaysan karo hadiiba uu bixiyo siro noocaasi oo kale ah Guud ahaanba ganafka ayuu ku dhuftay oo sidii ay cadawgiisu rabeen ugama jawaabin k**ana farxin cadawgiisa ee wuxuu ka farxiyay shacabwaynaha dalkiisa hooyo kuwaasi oo ilaa intii Abhinandan xorriyadiisa helay ku dhawaaqayay erayo ay ka mid ahaayeen Free Abhinandan, Come back Hero IWM.

Shacabka India k**a caajisin inay cadaadis ku saaraan dawladdooda inay awoodda saarto sidii xoog ama xeelad mid uun Abhinandan Dalkiisa ugu soo celin lahayd isagoo huwan sharafta Dalkiisa iyo Dadkiisa dawlada india na dhawaaqii shacabkeeda waa u dhaga nuglaatay, sidaa si lamida ayaa xisbiyada dalka ka jira muxaafid iyo mucaarid ugu guntadeen soo badbaadinta Abhinandan xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata party (BJP) ayaa caddeeyay siyaasadooda waxana u hadlay Raysalwasaraha dalka Mr Narandera Modi wuxu shegay inay qasab tahay soo celinta Abhinandan. Si lamida Xisbiga Ugu Awoodda badan mucaaridka Ee Congress party mr Rahul Gandhi ayaa meel fagaaro ah ka sheegay in mucaarad iyo Muxaafid aan loo baahnayn ee loo baahanyahay in qaranimada India Lagu difaaco wadajir iyo isku duubni Abhinandan na uu ka maqan yahay India oo dhan.

Iyadoo dedaalkaasi uu kasocday gudaha india xaaladuna ay adkayd. Ayaa waxa xaalkii halmar is bedelay Markii uu Raysalwasaraha Pakistan Mr Imran Khan ka hadlay barlamanka dalkiisa isagoo si toos u caddeeyay in Abhinandan xorriyadiisa uu dhakhso uhelayo dalkiisa Pakistan na nabad iyo derisnimo diyaar u yahay. Waqtigaa wixii ka danbeeyay India waxay diyaar garow u gashay sidii ay usoo dhowayn lahaayeen wiikkooda ay Billadda qaran ee geesinimo(National Hero) u toleen isagoo gacanta cadawga ku jira.

Hadaba inaga somali ahaan maxaan ka baran karnaa isku duubnida iyo qaranimada ay muujiyeen dadka iyo dawlada india. Iyadoo aan ognahay baylahda dhuleed iyo badeed ee haysata dalkeena hooyo ee somalia, anigu waan masayray ee adiguna ma masyrtay haa haday jawaabtu tahay aan wada jir ugu guntanno soo celinta sharaftidii iyo milgihii dalkeena waa sida kaliya ee aan ku beenin karno damaca shisheeye ee ah inay dhaxlaan dalkeena hooyo oo khayraad badan laga naawilayo.

Wabillahi Towfiiq

Ilaah baa mahadleh

W/Q Abdirisak Abdullahi Yare

Address

Garowe
Bosaso

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
18:00 - 19:00
Friday 09:00 - 17:00
18:00 - 19:00
Saturday 09:00 - 17:00
18:00 - 19:00
Sunday 09:00 - 17:00
18:00 - 19:00

Telephone

+252905185837

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Berisamaad TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Museum

Send a message to Berisamaad TV:

Share

Category