Af Shilke

Af Shilke Ku soo biir pageka Dhaqan & Dhigaal si aad u Hesho Suugaan, fan, hidde iyo Dhaqanka Soomaalida.

12/09/2025

Siraa u gar istaageen hooyada iyo caruurteed, alle haydin garab istaago, inta dhimana hala dhamaystiro

28/05/2025

Wil-wilo.

09/05/2025

Ereyadii: Xassan Genay
Laxankii: Jiim Shiikh Muumin
Codkii: Xassan Adan

Siwanaagsan bay inoo xasuusiyeed fankii milgaha laha

27/04/2025

Nin adag, waa midka waqti adag nolosha ka soo mara. Nin rageed

Call now to connect with business.

14/04/2025

Nimcooyinka illaahay inoogu deeqay labo kamid ah baa ii muuqda

02/04/2025

Saddex xaraf oo afsoomaaligu aanu ku dhammaan . AHN Gaariye

15/02/2024

SIDA WELI KU CAABUDA.

Maansadan waxaan curiyay 2014 waana markaan Abwaan is moodayay, waa maanso aan dib ujeclaaday se ka turjumaysa marka naftu u bislaato, maskax ahaan iyo dareen ahaanba, waxna k**a aha agteeda bahdilka nafsadeed. Noloshuna sidaa jeceshahay kuuma maamuusto, naruuraduse waa sugista aad ku niyadsantahay, aadna hibato wanaagsan kasta oo nolosheeda ah, qadafna aadan u qaban dulna u yeelato afkastoo xun.

Taboole sare Abwaan Nuur Ileeye oo waayaha bulshada fahansan, meelo badan ayuu ka jeexjeexay inaanay marnaankarin nolosha rajadu. Saaka aroortii ayaa heestiisan oo lagu luuqeynayo iga soo hor baxday iyagoo kor u leh.

Haddaan wakhtiguyna kala wadineey, Mar weynu isweheshan doonnaa!"

"Waxaa igu walaahiya"
"Wa bilaahay tolaahiya"
"Wacadkiyo heshiiskii"
"Axdigii ma wiideeyn"

"Caashaqa wadaagniyo"
"Wac ku siisay laabtaa"
"Waaxyahaa jirkaygiyo"
"Halistii waxyeeloo"
"Warmahaygu dhacayaa"
"Waa geerka kala jaray"

"Wadnahayguu dhiigaa"
"Ma waraabsho jiirkoo"
"Ishu waaban maysee"
"Waalid layga beeriyo"
"Wiil curad sidaatahay"
"La walaac asqoobee"
"Weerkiyo baroortaan"
"Dadka kula wadaagaa"

"Waxaan kugu tilmaama"
"Wajigaaga quruxda le"
"Waabberi arooryoo"
"Lagu waabay quruxdoo"
"Wabbiyada aqoontiyo"
"Ruux waayo aragee"

"Intii aannan waalnayn"
"Wadaadada jacaylkaa"
"Tahliil iga waraabshoo"
"Hilibkaygii waratee"

"Naftu waano diidoo"
"Wacdiga aagmigu fara"
"Taladu uma weecate"

"Hadii adiga waayuhu"
"Ku wanaagsanaadeen"
"Ana waayi maayoo"
"Cid wax saari maayee"
"Waxii layla iyo qays"
"Cilmi waran ku siiboo"
"Weyraadshay xeradaa"
"Igu weehanaayee"

"Wehelkaygii noloshaay"
"Ubaxaan waraabshaay"
"Wanaagii naftaydaay"
"Heemaal wadaadleey"

"Sida weli ku caabuda"
"Waxyigaagu saarnaa"
"Wahankigo kalgacalkaa"
"Wadnaha igagayaalo"
"Waanka ceeshi waaye"
"Ifka laguma waaroo"
"Wayga cafis naftaadee"
"Calaf iyo wad mooyee"
"Wayne haygu kaa simo"
2014

DHACDO. Furashadda sida qalbiyanka ah iyo damiir hadlayada dareenkiisa oo dhan.Fadlan iska kay cafi/cafiya iiguna duceey...
12/07/2023

DHACDO. Furashadda sida qalbiyanka ah iyo damiir hadlayada dareenkiisa oo dhan.

Fadlan iska kay cafi/cafiya iiguna duceeya in illaahay igu dhibin iina fududeeyo jidka iyo su'aalaha.🙏

"Waa hoos aduunyadu"
"Waana laba ayaamood"

Aduunka illaahay oo waayaha jacayl-jabka qayb ka tahay waxay mar qudha daadisaa qof kasta waxuu dhoodhoobayay oo xaalad ahaan u doorisaa. Dhaawaca iyo qalbi roganka waa mid ka turjuma badankeedu xasuusta mudada dheer ku mataansan nafta, mar waxuu dareemaa seexan waaga, dhacdiid iyo af dhabaan-dhab u hoos ula ooyo.

Xasuuswadareedka qalbiga ku duugan waa laba wax oo isdhammaystira, oo isaseegoodu midba kankale dhantaalayo la'aantiis makala maarmaan oo waa isu dhigmaan, waana is dheelitiraan. Ku waasi waa caalamka nolosha iyo caalamka jacaylka in la tartansiiyo waa caqlidarro iyo in aan la rabin wadajirkooda, waxaa se fiican wadajirka howlahay ku fulin jireen ku sii wadaan si aadku dunida ugu waadho.

Waxaa caqli iyo cilmi ah in labada qof dareenka iyo baahiyaheeda nololeed u sinaato iyada oo aan xintamayn ee xilkasnimo iyo dulqaad ku wada. Waxa jira maalmo, saacado, bilo iyo sannado adag oo waxaa han iyo himilo kalahayd kula dheeliyaan.

Naxariis iyo macaan maleh adduunyadu waa nac iyo naaqus, waa imtixaan iyo ciqaab waa lur iyo kadeed, se waxaan ku muujin karnaa gubashada gudaha qalbigeena. Ma jiro qof awoodda adkaysiga go'aankiisa se waa ismoodsiis, ma aha daawo rasmiya se waa naar iyo nabar kale aad ku mudatid caloolyow, catow, calaacal, illintuna maaha ooyin se waa dhimbil dhabankaaga ku dhacda.

Hadii wed ku daayo, dunidu dugsi maleh maalintu waa suuxiso, habeenku waa kafan, sannadkuna waa naxash, maxaa ka kulul oo ka xanuun badan adigoo nool inaa dhimato. Culayska gudaha laga dareemona xanuun kaga cabsanmaysid, geerina kaga cabsanmaysid e sharafta dhig, qofnimada dhig, dadnimada dhig, qaneecada dhig, kartida dhig, sababto ah naftaaddaa dareen iyo daryeel gaaban.

Ma taqaan waxaan sidaa u iri!!. Waxaan inoo diidayaa ina qayb ka noqono duni qalbi-jab iyo qahar ah oo raxmad lahayn, oo qurux lahay, oo xiiso iyo qaneeco xambaar sanayn. Garowso hadaa waydo qof aad jeceshahay ma jiro cid gacanta kuu soo qabanaysa se waa qadar, waa nasiib iyo waa calaf waxa idin kala geeyay baa si sahlan lagu oran.

Dhammaantood wey kugu cidleynayaan daruufaha adag, weliba kaa hor imanayaan qaarkood, ma fahmayaan waxaad u baahantahay, helimaysid cid ku dhegaysata oo dhimbisha naareed kaa bakhtiisa, balse waxay ka kaluumaysanayaan duruuftaa ku sugantahay. Waqtiguna baryo lagugu naco buu kaaga idlaadaa oo waxaa kororsataa karah.

Waxba ku tarimaayaan, wax kuuma soo wadaan, wax kugu biirinmaayaan, waxna kugu kordhinmaayaan, halkaa joogno laysuma arxamo, oo nolosha aduunkan diciifka ah waxaa xaq u leh dulmilaha iyo danaystaha. Hadaan moodayo jacaylka in sidan loogu hungoobo ma aamineen, uma welweleen, waqti masiiyeen, cimrigayga iyo naftaydana kuma lumiyeen.

Se sida kansarka dhiiga ku dhaca xubnaha kale ugu faafo ayuu jacaylkaaguna sidaa qalbigayga ugu dhacay xubnaha kalena wada qabsaday. Sida bukaanku uga agdhowado dhaktarka ayaan u doonaa meelaa joogtid inaa ka agdhowaado.

"Adna maalo sii joog"
"Ana moodku haydilo"

Dunida waxaa ka soo galay albaab yar waxay igu soo dhowaysay farxad waxaase kaga baxday murugo, waa koriso, kibriso iyo kufiso. Maxay ii tartay oo ka dhaxlay?!. Adkayso, dareemada qarso, laabtaada gacalada ka guuxaya dadka kale yay ogaan, jiljileec iyo debecsanaan ha muujin, indhaha ilmada ka cesho bay la soo boodayaan, ama waxaa sidaa iyo sidaa u samaynwayday bay ku daacdaacsadaan.

Rakuubka iyo layliga aduunyada dib u eeg intaadan hami iyo hawo aduun mudan, ma joogno caro dareenka xodxodashada laga wayneeyo ama laga xuso jacaylka oo raaxo iyo raasba wax laga dheefo. Gudoon oo ku xasil dareenkaaga doonka ah aan dergankarayn.

Fahantay!? gartay oo garatay inay jirto labo duni. Dhabtii waa labo kala foolxun se Loollan gudeed oo aad u adag iyo gocashooyin aad u daran kadib waxaa isku qaaday caalamka haysta xirfada dilka oo nolosha birta ka asla. Aduun i khatalye Nabad-galyay oo kala dhammaanay.

"Waa geeri caashaqu"
"Waa guul dariyo ciil"
"Waa garabsi jiilaal"
"Waa babadaniyo dhaxan"
---Adan Tarabi

W/Q. Awil Abdullahi A Amay

22/06/2023

Fanku waa quruxda nolosha dadka, kaalin mug weyn buu kaga jiraa noolaynta dareenka waa mededaalo iyo naxariis, dunida waxuu ka dhigay goob farxadeed waa iidaanka suugaanta laqsiiya bini'aadamka.

Hindisaha curinta suugaanta toolmooni waa fekrad hal'abuur macne mooye waa qalayl dhadhan iyo shaxshax la'. Tumista qalabka waxaa lagu qurxiyay biyaano, fiyooliin, turubo, gitaar, gambuus, daf, taar, nasro, sagsafood, malkad iyo durbaanka dhadhan heer sare ah ayey u yeelaan fanka waa curiyayaal farxad debecsan leh oo meel dheer loogu tago. Dadka ku heesa codkooda awooda iyo qaneeco dheeriya bay ka helaan, bulshadu waa ku raaxaysataa jawiga iyo hanaanka qabow e fadhiga wanaajiya.

Eeg bal musicgan waxaa leh heesti "kugu ladnaanay" uu Ereyada lahaa Abdullahi Abdi Shube codkii AHN Maxamed Saleman Tubec

W/Q: Awil Abdullahi A Amay
Xuquuqda muuqaalka: Astaan tv

10/05/2023

Address

Muqdisho
Erigavo
252

Telephone

+252907699594

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Af Shilke posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Museum

Send a message to Af Shilke:

Share

Category