Shacab Show

Shacab Show warar sugan oo nadiif ah

17/03/2026

Baro xirfadaha kubada cagta

Qaraarka dawlada ee BCU
17/03/2026

Qaraarka dawlada ee BCU

Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmiya uga laabatay go’aankii ay xilka kaga qaaday guddoomiyaha jaamacadda Burco Central ...
17/03/2026

Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmiya uga laabatay go’aankii ay xilka kaga qaaday guddoomiyaha jaamacadda Burco Central Faadumo Cismaan.

Go’aan ay soo saareen xubno gole wasiirro ah oo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u saaray arrintan ayaa go’aamiyay in maamulkii h**e uu sii wado hawsha jaamacadda.

Sidoo kale guddidan ayaa go’maaiyay in Lahaanshiiyaha jaamacaddu tahay hanti qaran oo ay leeyihiin dadweynuhu.
Guddidu waxa kale oo ay go’aamiyeen in xubnaha boodhka sare ee jaamacadda dib u eegis lagu sameeyo.

Arrintan ayaa meesha ka saaraysa maamulkii cusbaa ee dhawaan wasiirka caafimaadku u magacaabay jaamacaddan oo muran badan abuuray.

Xigasho Gallaydh TV

Arrin sharci ahaan fudud oo u baahan xal sharci, haddii ay gaarto heer madaxweyne oo laga dhigo arrin si ula kac ah loo ...
17/03/2026

Arrin sharci ahaan fudud oo u baahan xal sharci, haddii ay gaarto heer madaxweyne oo laga dhigo arrin si ula kac ah loo kordhiyay heerkeeda (Escalation of an Issue) ama ay sababto faragelin ka timaadda xafiiska fulinta (Executive Intervention), waxay muujinaysaa daciifnimo ku timaadda nidaamka maamulka iyo ku dhaqanka sharciga.

Wasiirka Caafimaadka wuxuu ku kacay sharci jabin iyo faragelin hay’ad kale oo aan shaqadiisa sharci ahaan quseyn. Tani waxay ka mid tahay waxa cilmiga siyaasadda lagu tilmaamo “Institutional Overreach” taas oo ah marka hay’ad ama mas’uul dowladeed uu ku tallaabsado awood ka baxsan xadka shaqadiisa. Falkaas wuxuu sidoo kale sababi karaa khilaaf awoodeed oo u dhexeeya hay’adaha dowladda (Jurisdictional Conflict), waxayna dhaawici karta kala dambeynta iyo nidaamka sharciga ee dalka. Sidaa darteed, mas’uul kasta oo ku xadgudba xadka awooddiisa sharci waa in lala xisaabtamaa si loo ilaaliyo sharciga iyo dastuurka.

Sakariye Hared

16/03/2026

Maayir Muraad...ragga Kiisa adag

16/03/2026

Waa 𝗗𝗿. 𝗔𝗱𝗻𝗮 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 oo Alle khayr ha siiyee ka marag kacaysa halganka, dadaalka iyo juhdiga ay 𝗙𝗮𝗮𝗱𝘂𝗺𝗼 𝗖𝗶𝘀𝗺𝗮𝗮𝗻 u hurtay aas-aaska iyo dhismaha jaamacadda. Maraggeedu wuxuu caddeyn u yahay doorka muuqda ee Faadumo Cismaan ku lahayd hirgelinta iyo horumarinta jaamacadda

Waxaa maalmahan dagaal xukuumadda qayb kamida gadhwadeen katahay ku socday Jaamacadda “Burco Central University College ...
16/03/2026

Waxaa maalmahan dagaal xukuumadda qayb kamida gadhwadeen katahay ku socday Jaamacadda “Burco Central University College “ xaruunteeda guudna Burco kutaal.
Dhulka, dhiska iyo dhaqaalaha kubaxay inta ugu badan ay lahayd Faadumo Cismaan,haddii laga maarmi waayana bulshada gobolka togdheer gacan ka gaysteen. Xukuumadihii kala danbeyey ee dalka soomaray kumay darsan arrin, adduun talo iyo tusaale. Waana Jaamacad leh guddi(Board of trustees)isbadal samayn kara.
Siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay maalmihii inasoo dhaafay oo xogteeda waa laga dheragsanyahay reer Burcona indhahay iska fahmaan.
Waxaan arkayay dad badan oo dhaliilaya Wasiirka horumarinta Caafimaadka JS Xuseen bashiir , haddaba Ninkaas waa lagu danbaabayaa waa miskiin -innocent- aan danbi lahay dal , dad iyo degaan aan kala aqoon haddaanan ku danbaabayn waa “say wallahi” ayaan odhan lahaa, hase ahaatee culays baa kudhacay aanu qaadi karin, haddaba laba sheeko oo aan goob joog u ahaa oo caddayn u ah inaanu dadka iyo dalka midna wax ka ogayn ee lasoo dhaxmaray ayaan idinla wadaagi :-

*Bishii 5aad 2025 ayaan xafiiskiisa ugu tegay maalin sabti ah ninkaa odayga buug boqole ah ayaa horyaala markaad usoo gasho ayuu hadal kaaga bilaabaya qolamaad tahay! Haddiiba aad usheegto intaa ku joogi maaye buuga ayuu ka baadhayaa qoladada kadib jifadada hoose ayuu hoos kuusi raaci oo ku waydin, horti Ninka inoo wasiirka ah dad halkaasuu kataaganyahay wana ta keentay in laga adeegtay oo wasaaradda uu joogo ta ugu mixnadda badan noqoto.

*Dalka inaanu kala aqoona maragbaan uhaystaa waa malin kale oo febraayo 2025 ah
Aniga iyo niman dhakhaatira oo asxaabta ah ayaa la ballansanayn markii aan uso galnay ee hadalku noo furmay ayaa gabadh kamida maamulka waasaraddu usoo gashay, waxay usheegtay in uu cilladaysanyahay mishiinkii oxygenta dhalinayay (Oxygen generator) ee dagmada ceerigaabo kadib way ka baxday inantii ; xoogaa kaddib ayuu uyeedhay wiil Agaasime waaxeed ah una sheegay in mishiinkii oxygenta degmada caynaba xumaaday , wiilkii ayaa fahmi wayay oo dhegaha taagay kadib ayaan soo dhexgalay oo ku idhi wasiir caynaba mishiin mayaale ceerigaabo weeye, kulaha miyaanay isku mid ahayn maxaad kala wadaa, qosol dhoolacaddaynaa ayaanu kulli qabsanay
Misaa wiil technical advisor u ahaa oo dhinac fadhiyaa kuyidhi labada degmo midna waa gobolka soo midna waa gobolka sanaag caasimaddiisii markaasu si daacada uyidhi anigu gabiley ayaan ku barbaaroo istabta halleeyaba waligay dhinacaa bari uma dhaafine waa inan dalka soo kala bartaa.

*Soojeedin: xukuumaddu dhul , dhis iyo dhaqaale haw raadiso “Institute of health science Burco” mar haddii xukuumadihii ka h**eeyey dayaceen hirgalintiisa , waana baahi taagane oo gobolku ubaahanyahee miisaaniyadda 2027 haku darsadaan
deg-degna haw dhisaan

*Gunaanad : damaca jaamacaddan ku aaddani dhaqaale iyo saami ayuu dabada kuhayaa horrayso iyo danbayso , dadka sida gaarkaa uga foogan hawshan yana marbaynu wax ka qori haddii alle idmo.

“Lafa geel yagaa laysku jabiyaa” maahmaah.

WQ. Dr. Cabdiqani c. Digix



7 sarkaal oo kala tirsan ciidamada Millateriga iyo Booliska Somaliland oo deeq waxbarasho ka helay Taiwan ayaa maanta la...
16/03/2026

7 sarkaal oo kala tirsan ciidamada Millateriga iyo Booliska Somaliland oo deeq waxbarasho ka helay Taiwan ayaa maanta lagu sii sagootiyay Hargeysa.

Dr Faadumo Osman, the presiden of burao central university, is widely recognized, both locally and internationally, as t...
16/03/2026

Dr Faadumo Osman, the presiden of burao central university, is widely recognized, both locally and internationally, as the founder and key figure behind the establishment and development of Burco Central University College

16/03/2026

“ bilow ilaa dhamaad Marwo Faadumo Cismaan iyadaa gacanta ku haysay jaamacadda Dawladdu wax shaqo ah kuma lahayn.” afhayeenka Xisbiga Kulmiye Mustafe Shiine.

16/03/2026

Dr. Cabdi Yaasiin oo ka mid ahaa aasaasayaashii jaamacadda ayaa xog badan iftiimiyey, islamarkaana xukuumadda ugu baaqay in ay jaamacadda faraha ka qaadan, maadaama oo aanay wax door ah ku lahayn.

Haduu China Sidan Uga Warwarayo Ictiraafka Somaliland, Dee Ha Aqoonsado. "China oo xaqiijiyey qorshe Maraykanku ku aqoon...
16/03/2026

Haduu China Sidan Uga Warwarayo Ictiraafka Somaliland, Dee Ha Aqoonsado.

"China oo xaqiijiyey qorshe Maraykanku ku aqoonsanayo Jamhuuriyadda Somaliland, kadib Israa’iil"...

CHINA KULAYL IYO QABAW MIDNA NAGUMA HAYO, AQOONSIGA JSL WUU SOCONAYAA, XAQBAY U LEEDAHAY, CID JOOJIN KARTAA MA JIRTO.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shacab Show posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category