25/08/2026
BAN-GEL ( BANGELLE ) waa dhul degaan ah kuna haboon shaqashada xoolaha sida Geela iyo ariga iyo lo,da waxayna ku taal dhulka Ismaamulka Kenya.
Eeyga Ban-gel ama Ban-gelle waa labo Eray oo fasiraadooda ay tahay Soomaali caana ka ah dhulka Soomaalida sida bartamaha Soomaaliya Gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka ku xeeran Degmada Cabuudwaq, muuqaalka aad aragtaan ha moodina Banaankii Bangeelle oo Geela hodonka ku ahaa waa dhulka ku dhex yaalo Dalka Kenya waana degaan Soomaalida Kenya degto oo u badan xoola-dhaqato balse Magaca ayey wadaagaan oo aad isugu dhow yahay (Ban-gel).
Nuxurka qormadeyda waxay daaran tahay sanadahii ugu danbeeyey Soomaali badan ayaa ku baraarugtay waxtarka iyo manafacaadka dhaqashada Geella oo noqday halbowlaha nolosha dadka kaana xaqabtiri karo baahida iyo la dagaalanka Gaajada iwm.
waxaa muuqalka aad ka daawan kartaan mid kamid ah, Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Kenya Dr. Mohamed Omar Salaad oo u jaheystay dhinaca dhaqashada Geella kuna yara durkay dhinaca baadiyaha kana sii fogaanayo Magaalada waana talaabo fiican oo ku dayasho mudan waana isugu imaan doonaa banaanka Bangel oo geella horweynka iyo kareebka horonyahay oo laga waraabinayo.